UNISODIC oo soo dhaweeyay hadalkii Obama ee ahaa in la mabnuuco dhuxusha laga dhoofiya Soomaaliya

 UNISODIC ayaa soo dhaweeyay hadalkii kasoo yeeray dhawaan madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ee ku aadanaa in la mamnuuco dhoofinta dhuxusha ka immaaneysa dalka ay dagaalada la hareen ee Soomaaliya.

 

 

 

UNISODIC ayaa ayaan daro ku tilmaamay masiibada ku habsatay umada Soomaaliyeed  taasoo u muuqato inay meesha kasii baxayso qeyraadkii dhirta Soomaaliyeed oo loo isticmaalo si aan loogu tala galin, loona isticaalo siyaabo aan ku habooneyn dhirta oo ah in la jaro oo laga dhigo dhuxusha la dhoofiya.

UNISODIC waxuu xasuusinayaa umada Soomaliyeed meel kasta ay joogaan in haddii la jara dhirta ay nabaad guuri doono dhulka oo uu isku badali doono lama dagaan, taasina ay dhib ku tahay dadka iyo duunyada soomaaliyeed.

 Golaha Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed waxuu ugu baaqayaa culuma’udiinka, aqoonyahanada iyo dhamaan indheergaradka Soomaliyeed inay garwaaqsadaan in lagu halaagsamayo sii wadida jarista dhirta oo loo isticmaalo in laga dhigo dhuxul, islamarkaana loo iib geeyo wadamo ka baxsan gudaha dalka Soomaaliya,ugu danbeyntii waxaan ka dalbanaynaa dhamaan Soomaalida  inay u wada istaagaan sidii looga hortagi lahaa jooginta jarista dhirta.

UNISODIC.


Fikradaha Akhristayaasha/Opinion (0)