UNISODIC oo soo dhaweeyay in Calanka Soomaaliya uu xalay ka dhax muuqday cayaaraha Olympic-kada+Video

 

 

Iyaddoo lagu guda jiray habeenimadii xalay munaasibadahii loogu dabaal dagayay furitaanka cayaaraha Olympic-kada oo ka biloowday Magalada London ee wadanka Britain ayaa waxaa si toos ah uga soo dhax muuqday calamada kala duwan ee caalamka calankeena Soomaaliya.

 

 

 

 

 

Markii uu soo muuqday calanka Soomaaliya oo ay wado Samsam Max’ed ayaa waxaa is badalay dareenka dadweynaha Soomaaliyeed meel kasto oo ay ka joogaan dunida oo ku tilmaamay arin farxad weyn u ah ummada Soomaaliyeed, maadaama uu ka dhax muuqday calanka Soomaaliya calamo aduunka.

 

 

Waxaana sidoo kale soo dhaweeyay talaabadan farxada leh oo uu calanka Soomaaliya uga dhax muuqday calamada caalamka Golaha Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed ee markii magacooda la soo gaabiya loo yaqaano UNISODIC oo fadhigooduna yahay Dalka Mareykanka.

 

Source Of Unisodic


Fikradaha Akhristayaasha/Opinion (0)