UNISODIC: Ansixinta Dastuurka waa Tallaabo horu socod leh.
Golaha Qurba joogta Soomaaliyeed eeĀ fadhigiisu yahay dalkan Maraykanka (UNISODIC) ayaa soo dhoweeyay ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Ergo ka kooban 825 xubnood ayaa 25-kii July u fariistay kulan ay kaga doodayeen dastuurka cusub, waxaana maanta oo ay taariikhdu tahay August 1, 2012, ay ergadu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen dastuurka cusub.
Qaabkii loo Codeeyay:
Ergada oo ka koobneyd 825, waxaa codbixinta ka qeyb galay 645, inta soo harteyna waxay sheegeen inaanay waxba ku darsaneyn.
645 ayaa codka ka qeyb galay, waxayna natiijadu ahayd sidan:
621 ayaa oggolaaday
12 ayaa diiday
11 ayaa ka aamusay
Habka ay u dhacday codeynta waxaa la sheegay inay ahayd si ay dadka oo dhan ay wada arki kareen, tallaabadaasi oo lagu tilmaami karo inay kalsooni gelisay codeynta.
Hadaba Golaha Qurba Joogta Soomaaliyeed ee UNISODIC wuxuu soo dhoweynayaa ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya. Waa maalin taariikhi ah oo ummada Soomaaliyeed ay xusi doonto.
Dastuurkan oo tilmaamaya in xaaladda KMGah uu dalku kaga baxayo ayaa waxaan soo jeedineynaa in la ilaaliyo laguna dhaqmo inta laga gaarayo xaalad dadweynuhu ay cod afti ah ugu qaadi karaan.
