Geeri naxdin leh.
Allaha u naxariisto Eng Cali Xaaji Shirwac oo kooxo hubaysan ku qaarijiyeen Aug 2,2012 magaalada B/weyn ee gobalka Hiiraan,Eng Cali oo aan dalka ka bixin tan iyo markii ay bur-burtay dawladii dhexe sanadkii 1991kii ayaa aqoon durugsan u lahaa dhisida Airport-rada.
Eng Cali Xaaji Shirwac waxaa uu dhisay Airport-rada Gaalkacyo,Berbera,Balli-doogle,B/weyn iyo Caabud waaq uu gacanta ku hayay.
Sida ka muuqata sawirkan Eng Cali waxaa uu qalab waxbarasho ka qeybinayaa dugsiga H/dhexe ee K.M.300[Terejente] oo B/weyn u jirta 35K.M. dhinaca koofureed.
Geerida naxdinta leh ee ku timid Eng Cali Xaaji Shirwac waxay dareen ku reebtay guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hiiraan iyo intii aqoonta gaarka ah u lahay shaqsiyada Eng Cali Xaaji.
Allaha u naxariisto Eng Cali Xaaji qoyskii ,eheladii iyo inta nabada jecelba samir iyo iimaan allaha ka siiyo.
UNISODIC.
