Waa in la ilaaliyaa Xorriyadda Fikirka
Soomaaliya waxay ku gudo jirtaa xaalad kala guur ah oo dowlad xiligeedii uu dhammaanayo mid cusubna la filayo inay siyaasadda Soomaaliya ay majaraha u qabato.
Dal kasta marka uu galo xaaladan oo kale waxaa la soo gudboonaada caqabado badan oo suurtagal ka dhigi kara inay wiiqanto kala dambeynta, taasoo burbur u horseedi karta dalalka. Hadaba Soomaaliya oo awalba ahayd mid jilicsan waxay 99% ay u dhowaaneysaa inay kala burburto, xaaladda lagu jiro darteed.
Muqdisho waxaa ku sugan musharaxiin badan, kuwaasoo u tartamaya xilka madaxweynaha. Waxaana ay haystaan taageerayaal.
Hadaba maanta Muqdisho waxaa ka dhacday dhacdo xannuun badan taasoo sababtay in rasaas lagu furo dad fikirkooda si xor ah u muujinaya.
Haddaba UNISODIC waxay cambaareynaysaa dilka loo geystay dadka rayidka ah ee muujinayay fikirkooda, iyagoo taageero u muujiyay mid ka mid ah musharaxiinta.
UNISODIC waxa uu ku baaqayaa in si deg deg ah ay laamaha amniga ee dowladda KMG ah iyo kuwa Midowga Afrika ay tallaabo u qaadaan ilaalinta amniga shacabka, ayna caddaaladda horkeenaan raggii ka dambeeyay falkan lagu rasaaseeyay dibadbaxayaasha laguna dilay dadka rayidka ah.
