Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maxaa laga sugayaa?
Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maxaa laga sugayaa?
Golaha Midowga Qurba-joogta Soomaaliyeed waxaa uu u hambalyeynayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyo ku xigeenadiisa,runtii waxaad qaadeen xil aad u culus una baahan inaad gudataan si aad u badbaadisaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, mudo aad u fog ayaa waxaa la xaqirayey xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed taasoo ina dhaxalsiisay dhibaato aan qiyaas lahayn kuna weynay naf iyo maal,sharaftii shaqsiyadeed iyo guud ahaan haybadii dawladnimo.
Mudanayaaal waxaa laydinka sugayaa inaad isku keentaan dhamaan ummadii Soomaaliyeed oo ku tabaalaysan dunida dacaladeeda iyo gudaha dalkaba ayna kala xirxireen dagaal oogayaal iyo shisheeye aan u diirnaxayn,ogow sharciga oo ka weynaada ruux walba oo Soomaali ah ama aynu u hogaansano waxay keenaysaa in aanan lagu xadgudbin xaqa uu muwadinka iyo dalka Soomaaliyeed leeyahay.
Taariikhdu waa ma harto shaqsigii xumaan fala ama ay sooru qaado kuna xad gudba shariciga,xuquuqda muwaadaniinta iyo hantida shacabka iyo tan Qarankaba wuxuu noqon doonaa mid ka shalaayn doona ugu danbeynta si hadaba ay Warlords-kii u ceebaysan yihiin.
Ogaada oo maanka ku haya inaad haysataan fursad dahabi ah oo aad waligaa ku ahaan karto Mas’uul ay ummaddiisu jeceshahay waxayna taas ku imaan kartaa inaad dalka ugu adeegtaan cadaalad iyo sinaaan Soomaalidu u dhantahay.
Nina ku waarimaayo talada hadaba Mudanow ku cibri qaado madaxdii aduunka ugu awooda iyo dhaqaalaha badnaa,qaar ayagoo dulaysan ayay nool yihiin kuwana wadooyinka caasimadihii ay deganaayeen waqtiga aadka u fog ayaa lagu dhexjiiday,Mudanow ku xisaabtan dadka Soomaaliyeed waqtigan waxay u ooman yhiin hogaan xalaal ah,Sirta Qaranka oo la xafido,Qaxootiga oo soo noqda,kuwa jilicsan oo la taakuleeyo,ardada oo schoolska aada,Agoonta iyo Cuuryaanada oo la xanaaneeyo,Miinada oo wadooyinka lagasaaro,Cunto iyo dawo tayo leh oo dalka la keeno,dhismayaashii adeega bulshada oo dib loo dhiso,Qashinka oo laga nadiifiyo,Maxaabiista oo hela xaqa ay leeyihiin ,Kheyraadka oo loo sinaado IWM
Ugu danbeyntii GMQS waxaa uu si aad u dhaw ula socon doonaa hawl maalmeedka Dawlada iyo Mas’uulyiinta kala duwan iyo shaqadoodaba,waxaana idiin rajaynaynaa inaad noqotaan kuwii uu dalka mahadin lahaa inshaa allah.
United Somali Diaspora Cogress [UNISODIC]
Www.unisodic.org
Unisodic@gmail.com
