Yay wax qabad ka sugaan?
Ruux walba oo aduunka ku nool waxa uu xaq u leeyahay inuu helo waxyaalaha aasaasiga u ah nolosha bani’aadamka sida,Nabadgalyo,Caafimaad,Waxbarsho,sharaftiisa oo la ilaaliyo,Hantidiisa oo la badbaadiyo iyo inuu wax doorto lana doorto.
Haddaba tan iyo markii ay bur-burtay 1991kii dawladii Kacaanka ee 21-ka Oktoobar waxaa lumay xaqii muwaadinka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantidiisaba taasoo guud ahaanba dalka Soomaaliya lagu waxyeelayay muwaadiniinta Soomaaliyeed ayadoo ay dhaceen gabood falo baahsan haba ugu darnaadeen haweenka,caruurta,aqoonyahana iyo beri-mageydada.
Caruurta Soomaaliyeed oo ah ubixii maanta iyo madaxdii berrito ayaan wali nasiibku siinin inay helaan siyaasi ama hogaamiye garta xaqa ay ku leeyihiin dalka si ay mustaqbalka u hantaan hogaanka dalka,balse waxay dhibka iyo qaxa la wadaagaan bulshada qeybaheeda kala duwan,sida ka muuqata muuqaalka sare waxaad arkaysaa in ay caruurti ay isku gurmanayaan.
Caruurta aduunka kale ee leh nadaamka iyo kala danbeeynta waxay helaan daryeel dhinac walba ah taasna waxay ku timid in mas’uul walba xaq dhawray ilaalinta sharciga iyo kala danbeynta,sidaa si lamid ah ay caruurteenana u baahan yihiin in hogaamiyaha Soomaaliyeed garto waajibka ka saaran ilaalinta xaqa muwaadinka gaar ahaan caruurta iyo haweenka.
Waan hubnaa inta badan mushtamaca Soomaaliyeed inay isweydiinayaan su’aasha ah ” Yay wax qabad ka sugaan” taasoo wali aaynaan arag shaqsi ama maamul hantay xaqii caruurta Soomaaliyeed,biyo kama dhibcaankuse waxaa uu yahay in dhaamteen nagala sugayo ilaalinta iyo barbaarinta ubadka .
Ugu danbeyntii Golaha Midowga Qurba-joogta Soomaaliyeed waxaa uu farta ku fiiqayaa muhiimada ay leedahay daryeelka caruurta iyo haweenka Soomaaliyeed oo ah lafdhabarta jiritaankeena,si qaas ah waxaan fariin ugu diraynaa Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed oo ugu horeeyo Baarlamaanka uu Gudoomiyeha u yahay Prof Max’ed Sh Cusmaan [Jawaari] iyo guud ahaan xildhibaanada,runtii waa inaad ogaataan waajibka idinka saaran arinkaan aan kor kusoo xusnay,aduunka iyo Soomaaliba waxay idinku qiimayn doonaan sida aad u maaraysaan danta guud oo ay ugu horeyso ilaalin xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan Caruurta iyo Haweenka.
United Somali Diaspora Congress[UNISODIC]
Denver, Co USA.
unisodic.gmail.com
