Baarlamaanka Soomaaliya Tallaabo Taariikhi ah ayuu Qaaday
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay September 10, 2012, doortay madaxweyne cusub, kaasoo dalka hoggaamin doona 4-ta sano ee soo socota.
Baarlamaanku waxay doorteen Prof. Xasan Sheekh Maxamuud inuu noqdo madaxweynaha cusub, ka dib markii ay wareeggii labaad isugu soo hareen madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha cusub ayaa ahaa mid doorashadiisu ay kedis ku noqotay Soomaali badan, ka dib markii maalmihii u dambeeyay ay dhegahoodii ku bateen musuqmaasuq iyo wax isdaba marin la sheegay in lagu doonayay in codadka baarlamaanka lagu iibsado, arrintaasoo si weyn loogaga shakisnaa inay ku hawlanaayeen mas’uuliyiintii hore ee talada dalka hayey.
Hase yeeshee tallaabadan ay baarlmaanku kuĀ doorteen Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu tilmaamay isbedel dhab ah oo ay wejiyo cusub ay hoggaaminayaan siyaasadda dalka Soomaaliya.
Meelo badan ayaa looga hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kaasoo isla markiiba loo dhaariyay xilka, waxaana la filayaa inuu soo magacaabo ra’iisal wasaare si deg deg ah, kadibna la soo dhiso xukuumad.
Shacabka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in la sii wado dadaalada nabadda iyo isu soo dhoweynta ummadda Soomaaliyeed.
Golaha Qurbe Joogta Soomaaliyeed (UNISODIC) waxa uu soo dhoweynayaa una hambalyeynayaa madaxweynaha cusub ee la doortay, iyadoo doorashadiisu ay ku soo beegantay xilli aad loogu baahan yahay isbedel dhab ah oo horumar dhaqaale iyo mid nololeed u abuuri kara ummadda Soomaaliyeed.
Xilka uu qaaday waa xil aad u culus, waxaan Alle uga baryeynaa inuu la garab galo xilka uu qaaday, uuna waafajiyo dariiqii uu ummadda ugu horseedi lahaa nabad iyo horumar.
