Ururka Unisodic oo cambaareysayy dilalka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Golaha midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed waxaa ay si aad ah u cambaareysay dilalka joogtada ka noqday caasimada dalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya loogu geysanayo dilalka saxafiyyinta Soomaaliyeed, kuwaasoo bar tilmaameed noqday tan iyo biloowgii sanadkaan 2012.

 

 

 

 

 

 

Golaha Midowga qurba joogta Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ka xun yahiin inaan wax la taaban karro laga qaban dilalka bareerka ah ee loo geysanaya bahda saxaafada Soomaaliyeed, hase yeeshee maalmahii ugu dambeeyay ee aynu soo dhaafnay waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay dilalka loo geysta Wariyaasha Soomaaliyeed.

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa dalka Soomaaliya ku soo badanayay dilalka wariyaasha Soomaaliyeed, inkastoo ay si weyn u soo siyaaday dilalka saxafiyiinta Soomaaliyeed waxii ka dambeeyay sanaddii 2007-dii ilaa iyo bishii SEttember oo aynu soo dhaafnay oo lagu dilay dhowr wariyaal ah gudaha Magaalada Muqdisho.

Unisodic Team.


Fikradaha Akhristayaasha/Opinion (0)