Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Maxamuud oo Magacaabay R/ Wasaaraha Xukuumada
Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud ayaa galabnimaddii maanta waxaa uu magacaabay R/wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia una magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon oo ku magac dheer (Saacid).
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa noqonaya R/wasaaraha JFS afarta sanno ee nagu soo aadan , kadib xaflad balaaran oo xarunta madaxtooyada lagu qabtay galabta Sabti Oktobar 06,2012 ayaa si rasmi ah loogu magacabay Cabdi Faarax Shirdoon inuu noqdo R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya..
Munaasabadda magacabista ayaa madaxweyne Xasan Sheikh Max’uud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ka hadlay isla markaasna kula dar daarmay inuu xilkiisa guto.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay R/wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon SAACID wuxuuna sheegay inuu dhawan soo dhisi doonno xukuumad dalka bad baadiso sida uu hadalka u dhigay.
Siyaasigan ku cusub siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyaya gudoomiyaha Golaha Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed Mudane Hassan Haaji [Hassan Haadaa] waxuuna u rajeynayaa inuu noqda R/wasaarahii dalka iyo dadka badbaadin lahaa maadaama ay shacabka Soomaaliyeed ku jiraan dhibaatooyin fara badan in ka badan 20 sanno oo ay soo mareen dagaallo sokeeyo oo ay dhiig badan ku daateen, waxuuna Alla uga baryay gudoomiyaha inuu xilka loo magacaabay R/wasaaraha cusub uu la garab galo.
