Maxuu yahay Golaha Midowga Qurba-Joogta soomaaliyeed?
UNISODIC waa hay’adii u hadli lahayd dhamaan Qurba-joogta Soomaaliyeed iskuna xiri lahayd ummada Soomaaliyeed gudaha iyo dibada,UNISODIC waxay ka dhalatay kadib markii ay soo baxday baahi loo qabo helida hay’ad daboosha doorka Qurba-joogta Soomaaliyeed si aynu uga qeyb qaadano dib u dhiska dalka hooyo dhinac walba,Qurba-joogta Soomaaliyeed waxaa ka mid ah dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ka kooban tahay.
S/awgeed waxa ugu horeeya ee UNISODIC horyaala ayaa ah ururinta aqoonyahanada iyo indheergaradka Soomaaliyeed taasoo sahli doonta in la helo xubno tayo leh oo si dhaqso ah u diyaarin doona wixii talo ah ee loo gudbin doona dawlada Soomaaliyeed iyo guud ahaan maamulada dalka ka jira.
Ka sokow arinkaas waxaa kale oo UNISODIC sahli doontaa sidii umadka Soomaaliyeed ee Qurbaha ku dhashay ama ku garaadaystay iyo waalidiintaba ka taakulayn doontaa qaabka ugu sahlan ee caruurta loo bari laha taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed ayadoo ay bar-bar socoto muhiimada ay leedahay barashada dhaqamada shisheeye iyo saamaynta ay ku yeelan karto caruurta Soomaaliyeed.
