Wax qabadka UNISODIC
Wax qabadka Unisodic,Golaha Midowga Qurba-joogta Soomaaliyeed waxaa uu laga soo bilaabo sanadkii 2009kii ku hawlanaa sidii loo heli lahaa xiriir dhexmara dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ka jira dalalka aynu ku nool nahay si ay tayo u yeeshaan shaqooyinka ay u hayaan guud ahaan umada Soomaaliyeed ee kasoo haajiray GreaterSomalia ama dhulka Soomaaliweyn.
Arinkaas waxaa ka faa’ideystay dadka ku cusub wadamada ay yimaadeen haday ahaan lahayn dhanka degaanka,shaqo u helida,barshada sharciyada iyo guud ahaan qaabka nololeed ee ka jira degaanada ku cusub.
UNISODIC waxqabkeeda waxaa uu noqon doonaa mid joogta ah kuna baahsan dhamaan wadamada aduunka ee ay Soomaalidu degan tahay waxaana ka codsanaynaa guud ahaan Soomaalida inay ka qeyn qaataan hawsha aadka u baaxada weyn ee aynu doonayno sidii ay ku hirgali lahayd.
